Musharax Daahir Geelle”Nolosha siyaasadeed xildhibaannimo oo kaliya ma ahan!

Mar 8 (Jowhar.com) Musharax Madaxweyne Daahir Maxamuud Geelle ayaa ka hadlay musharaxiinta Soomaaliyeed ee loogaga guuleystey doorashada xildhibaanada dalka iyo weliba xildhibaanada la doortay.

Qoraalka Musharax Daahir Maxamuud Geelle ayaa waxaa uu u qornaa sidan;

Siyaasiga oo xildhibaannimo waaya, kama dhigna in uu saaxada siyaasadeed ka baxay, in uu xildhibaan noqdana kama dhigna in uu siyaasadda guul ka gaaray.

Cabbirka guusha iyo guuldarrada siyaasiga waa meelmarinta aragti siyaasadeed iyo xaqiijinta dan guud. Xildhibaannimada waa hab kamid ah hababka siyaasadda looga shaqeeyo, ee ma ahan habka kaliya ee jira, xilalka siyaasadeed way badan yihiin.

Siyaasiga kursiga xildhibaannimo waayay waxaa horyaalla fursado kale oo badan, sidaas awgeed waa in uusan ku mashquulin ka aargudashada xildhibaanka kursiga ka helay iyo dadki garab siiyay. Sidoo kale, xildhibaanka kursiga Alle u calfay, waa in uusan ku mashquulin iska ilaalinta siyaasiga uu kursiga ka helay iyo dadki garab taagnaa ee waa in uu doono, la fariisto oo wixi dhacay ka dhaqo.

Waa in aan ku dhiiranno in aan wixi dhacay ka gudubno, una midoowno isbaddalka ay dadka Soomaaliyeed naga sugayaan. Shaqada ugu wayn ee maanta noo taalla waa samatabixinta dadkeenna iyo dalkeenna oo xelli adag ku jira.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More