Musharax la tartamayo Cabdi Xaashi oo shahaadada musharaxnimo la siiyay

Guddiga hirgelinta doorashooyinka gobolada Waqooyi ee dalka ayaa guddoonsiiyay shahaadada musharaxnimo Musharax la tartamayo guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdulaahi.

Saciid  Cumar Xuseen oo ah nin dhalinyaro ah ayaa la sheegay inuu kula tartami doono Cabdi Xaashi Cabdulaahi kursi ka mid ah kuraasta Aqalka Sare ee gobolada waqooyi ee dalka.

“Markaan samaynay latashi badan dhegeysanay odayaasha dhaqanka waxaan go’aamsannay in kursiga koowaad ee Aqalka Sare ee Somaliland lagula tartamo Guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo uu la tartami doono Saciid Cumar Xuseen” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare ku Xigeen Mahdi M. Gulaid dhageyso.

Liiska musharaxiinta ee ay guddiga doorashooyinka Somaliland hore u shaaciyeen ayaa waxaa kursiga koowad uu ahaa mid uu ku qornaa oo kaliya Musharax Cabdi Xaashi Cabdulaahi oo afartii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyay kursiga ugu horeeya ee laga soo dooranayo Aqalka Sare.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More