Musharaxiinta lix kursi oo doorashadooda ka dhacayso Garowe oo la shaaciyay

Mar 17 (Jowhar.com) Guddiga Doorashooyinka Maamulka Puntland ayaa shaaciyey musharraxiintii ugu dambeysay ee ku tartami lahayd doorashada golaha shacabka ee deegaan doorashada Garowe.

Magacyada musharrixiinta lixda kursi oo gaaraya 12 musharrax ayaa la soo bandhigay, waxaana jira kuraasta qaar oo dad loo xiray, waxaana ay kala yihiin.

 

1: Hop#221 ayaa waxaa ku tartami doona Cabdirisaaq Xasan Axmed ( Dhookir) oo katirsan Saraakiisha Hay’adda PMPF Puntland & Cali Maxamed Axmed.

2.Hop#199 ayaa waxaa ku tartamaya Guddoomiyaha Gobolka Mudug Cabdiladiif Muuse Nuur (Sanyare) & luul Abshir Diiriye.

3. Hop#129 ayaa waxaa ku tartamaya Sacdiya Yaasiin Xaaji (Sacdiya Salaad) oo kursigaan ku fadhisa & Sacdiyo Cabdullaahi Salaad.

4. Hop#198 ayaa waxaa ku tartamaya Cismaan Cali Yuusuf (Cali Xoosh) iyo Cabdiraxmaan Ciise Maxamed.

5. Hop#191 oo ay ku tartami doonaan Cabdullaahi Maxamed Jaamac (Jigato) iyo Maxamed Cabdixamiid Warsame.

6. Hop#073 ayaa waxaa ku tartami doona Maxamed Cabdullaahi Keyse & Cabdullaahi Cabdi Jaamac.

 

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More