Muuse Biixi oo kudhowaaqay duulaan cusub oo ku wajahan SSC Khaatumo

Oct 14 (Jowhar.com)- Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo ka hadlayay saaka Hargeysa, markii 2-aadna  madal kasoo muuqday tan iyo 25kii August, markii ciidankiisa lagu jabiyey dagaalkii gobalka Sool, ayaa ku celiyey hadalo hanjabaad ah oo ku wajahan in uu dagaal-qaadi doono.

Biixi ayaa sheegay in ay Somaliland ku jirto marxalad dagaal ah oo lagu soo duulay, colaadaha gudaha ayuu sheegay in ay tahay in deg deg loo dhameeyo, si loo weeraro waxa ugu yeeray cadowga soo duulay.

Cadowga koowaad ee Somaliland, ayuu sheegay in ay Puntland tahay, isagoo cadeeyey in ay is huran yihiin, oo ay dagaalami doonaan lana arki doono kii guuleysta, “Abaalka waa in laga waraabiyaa lana ogolaanin in ay taako soo gudbaan, waan is huranahay haddii ay dhul naga qaadi karaan iyo in kale” ayuu yiri MW Biixi.

XUduudaha Somaliland ayuu sheegay in ay lamid yihiin kuwii uu ka tagey Gumeystihii Afrika, isagoo sheegay in xaduuda Somaliland ay aqoonsan yihiin QM, Midowga Afrika & IGAD, isagoo tilmaamay in aysan katanaasuli doonin oo ay soo xirayaan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More