Muuse Biixi “Shacabka Muqdisho waa afduuban yihiin, dadka talada haaya waxay qaadayaan tallaabooyin cadaawad”

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo maanta jeedinayay khudbad sanadeedka dastuuriga ee Baarlamaanka ayaa ka hadlay arrimo kala duwan oo isugu jiray amniga, miisaaniyadda, musuq maasuqa siyaasadda guud iyo doorashooyinka Somaliland.

Muuse Biixi ayaa sheegay miisaaniyadda Somaliland 51% ay ku baxdo amniga iyo nabadgelyada, halka 48% ay tahay baahiyaha kale oo dhan.

Sidoo kale waxaa uu sheegay doorashooyinka Somaliland ay ka qeyb geli doonaan 993 musharax, waxaa uu kaloo soo hadal qaaday musuq maasuqa oo uu xusay in illaa 31 mas’uul lagu soo eedeeyay.

Waxaa uu sheegay in la sii adkeyn doono sharciga lagu qaadayo mas’uuliyiinta ka soo jeeda Somaliland ee ka tirsan dowladda Soomaaliya, kaddib marka cafis soo dalbadaan.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa shacabka magaalada Muqdisho ku tilmaamay in ay afduuban yihiin, isagoo tilmaamay in dadka talada haya ay qaadayaan tallaabooyin cadaawad ah oo dadka kala fogeynaya.

“Shacbiga Muqdisho iyagaaba afduuban, dadka talada u hayaana waxay qaadaan tallaabooyin cadaawad ah oo dadka kala fogeynaya. Maanta Muqdisho dowladdii hore wakhtigeedii wuu dhammaaday dawlad cusubna lama dooran sharcigana uma kordhin haddana wuu fadhiyaa waana maamulayaa”ayuu yiri Madaxweyne Muuse Biixi.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More