Muuse Biixi;”Soomaaliya waa dalka kaliya ee aqoonsigeena ka soo horjeeda”

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda la magac baxday madaxbanaanida ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa ka hadlay caqabadaha hortaagan in maamulkiisu uu helo aqoonsi caalami ah.

Muuse Biixi oo xalay ka hadlayay xaflad lagu xusayay sanad-guuradii 30-aad ee ka soo wareegtay asaaskii Somaliland ayaa sheegay in muddada ay doonto ha ku qaadatee ay ku dadaali doona hellidda ictiraaf.

“Yoolkeena kowaad waa ictiraaf inaanu helno oo uu noqdo Somaliland qaran jira oo qeyrkii wax la qeybsada golayaasha caalamiga ah oo aysan cidina matali karin, waqti kasta ha nagu kacdo,qiima ay doonto ha noogu kacdo, dhiigii loo soo daadiyay mid ka badan ayaanu u daadinaynaa hadii ictiraafka loo baahdo,” ayuu yiri madaxwayne Biixi

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee soomaaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa sidoo kale xusay in dowladiisa ay ka go’an tahay qabashada dorashooyiinka dabayaaqada bishan aanu ku gua jirno.

„Somaliland waxaa ka go’an dowladaa-na waajib ku ah in ay doorashooyiinka noqdaan kuwa waqtigooda lagu qabto,” ayuu yiri madaxwayne Biixi .

Madaxwaynaha somaliland ayaa sidoo kale ku baaqay in la laga dheeraad wax kasta oo dadka kala geyn kara.

“Innaga oo aan raali kala ah aan qabano doorashooyiinka oo wax badan aan isla gorfeyno inta aanan doorashooyiinka galin, doorashooyiinku waa in midnimo iyo kalgacal, hormar iyo waxqabad inoo horseedaan, ma aha inay caay iyo qabaa’il iyo fadeexad iyo xumaan inoo horseedaan,” ayuu intaa ku daray.

Maamulka Somaliland ayaa shalay laga xusay sanadguurada 30aad markii ay ku dhawaaqeen inay ka go’een dalka Soomaaliya.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More