Muwaadin Asalkiisu yahay Soomaali oo loo haysto dilka xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Ingiriiska

Nin ku hubeysan mindi oo ku dilay maanta xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Ingiriiska ayaa la sheegay inuu yahay muwaadin asalkiisu yahay Soomaali balse haysta dhalashada Ingiriiska.

Sida ay daabaceen qaar ka mid ah wargeysyada Britain ninka dilka ka dambeeyay oo aan la shaacin magaciisa ayaa la sheegay inuu yahay 25 sano jir.

Sir David Amess oo ahaa xildhibaanka Southend West ee Essex, ayaa lagu dhex dilay Jimcihii kaniisadda Belfairs Methodist ee Leigh-on-Sea, waxaana la xiray nin British ah oo asalkiisu Soomaali yahay oo looga shakisan yahay dil.

Dhakhaatiirta gurmadka deg-degga ah ayaa isku dayay muddo laba saacadood ah si ay u badbaadiyaan 69-jirka oo ah aabe-shan-carruur ah, laakiin wuxuu u dhintay dhaawacyadii ka soo gaaray mindidii lagu dhuftay.

Booliiska Essex ayaa sheegay in la xiray nin 25 jir ah, askartuna aysan raadineynin qof kale oo ku lug leh dhacdada.

Ben-Julian Harrington, Taliyaha Booliiska Essex ayaa sheegay inay baarayaan in dhacdadan ay xiriir la leedahay fal argagaxiso.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More