Muwaadin Soomaali ah oo afar ruux ku dhaawacay dalka Talyaaniga

Wiil Soomaali ah ayaa afar qof ku dhaawacay weerar uu u adeegsaday tooreey, magaalada Rimini oo ku taala Talyaaniga, waxaana eedeysanahan oo 26-jir ah uu ku safrayay bas isaga oo aan wadan tigid.

Booliiska Talyaaniga ayaa baaritaan ku sameynaya magangalyo-doonkan Soomaaliga ah oo mindi ku dhaawacay labo shaqaalaha tikidhada magaalada xeebta leh ee Rimini, ka dibna dhaawacay saddex qof oo kale, oo uu ku jiro wiil yar oo lix sano jir ah.

Baarayaashu waxay meesha ka saarayaan in falkan uu la xiriiro argagaxiso waxaana loo malaynayaa in ninka 26-jirka ah uu ku jiray maandooriye intii lagu jiray weerarka mindida habeenkii Sabtida, sida lagu sheegay warbixinnada idaacadda dawladda Talyaaniga ee RAI.

Wasiirka arrimaha gudaha Luciana Lamorgese ayaa sheegtay inay Isniinta kula kulmi doonto saraakiisha amniga maxalliga ah Rimini si ay dib -u -eegis ugu sameyso “dhacdadan aadka u daran”.

Lamorgese waxaa weerar ku qaaday hoggaamiyaha garabka midig Matteo Salvini, oo madax u ah xisbiga League-ga ee ka soo horjeeda muhaajiriinta.

Salvini wuxuu ka dalbanaayay Lamorgese inay si adag ula dagaallamaan tahriibka sharci darrada ah.

Ninka Soomaaliga ah ee weerarka geystey oo aan weli magaciisa la shaacin ayaa sida muuqata magangalyo looga diiday dalal badan oo Yurub ah, oo ay ku jiraan Denmark, Sweden, Germany iyo Netherlands, tan iyo markii uu yurub yimid 2015, sida uu qoray wargeyska Corriere della Sera. TV -ga dowladda ayaa sheegay in ninkan uu magangalyo ka codsaday Talyaaniga, uuna ku noolaa guri muhaajiriin ah oo ay maamusho hay’ad samafal oo ku taal Rimini.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More