Muwaadin Soomaali ah oo lagu diley dalka Koofur Afrika

Wararka ka imanaya dalka Koofur Afrika ayaa sheegaya in burcad hubeysan ay xalay ku dishay ganacsade Soomaaliyeed oo magaciisa lagu soo koobay Axmed degaanka Ga-Mawa Block 7 oo u dhaw magaalada Tzaneen , gobolka Limpopo.

Wararka waxa kale oo ay sheegayaan in kooxda burcadda ah ay sidoo kale dileen haweeneey u dhalatay isla dalka Koofur Afrika oo shaqaale ka ahayd goobta ganacsi ee marxuum Axmed.

Labada qof ayaa lagu toogtay afaafka hore ee meheradda, iyagoo boob u geystay hantida tiillay goobta ganacsi,sida ay warbaahinta u sheegeen dhallinyaro Soomaaliyeed oo sheedda kala socday falkaasi.

Ciidamo ka tirsan Booliska Koonfur Afrika ayaa baaritaanno ka sameeyey degaanka uu dilku ka dhacay, balse ma jirto cid loo soo qabtay falkaasi.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More