Nin 20 jir ah ayaa toogasho lagu dilay dhowr kalena waa la dhawacay Stockholm

Dec. 31 (Jowhar.com) -Howlgal ballaaran oo boolis ayaa ka socda bartamaha Vällingby Centrum meel un wax yar u jirta xafadda caanka ah rinkeby,Dembiilayaasha ayaa intii uu falkaasi socday riday gantaalada sanadka cusub si ay jahawareer u abuuraan, sida xogta lagu sheegay.

Booliska ayaa lagu wargeliyay toogasho ka dhacday bartamaha Vällingby wax yar ka hor 7-dii fiidnimo ee habeenkii sanadka cusub.

Sida laga soo xigtay xogta hore ee Aftonbladet, afar qof ayaa la toogtay. Booliska ayaa xaqiijiyay xilli maqrib ah in saddex qof la toogtay.

Sagaalkii 9:30 p.m., booliska ayaa sheegay in nin 20 jir ah uu u dhintay dhaawacii soo gaaray. Qaraabada waa la ogeysiiyay.

– Waxaa jiray saddex qof oo la toogtay. Hal qof ayaa dhintay, marka loo eego xogta aan hayo, labada kale waxaa lagu qiimeeyay inaysan qabin dhaawacyo halis ah, ayay tiri afhayeenka booliiska Helena Boström Thomas.

Toogashada ayaa ka dhacday banaanka hore ee McDonald’s ee bartamaha Vällingby, sida ay sheegayaan wararka uu helayo Aftonbladet waxaa gudaha maqaayada ku yaala godad rasaas ah.

Dhowr baabuur oo booliis ah iyo ambalaasyo ayaa goobta yaal. Goobta waxaa hadda laga baadi goobayaa Eyda Booliska iyo Diyaarad Helicopter ah.

Wadooyinka oo la xiray
Booliska ayaa sidoo kale jidgooyo dhigtay meelaha laga baxo ee Stockholm, sida xogta lagu sheegay. Dhowr qof ayaa loo keenay si su’aalo loo weydiiyo.

Waxa aanu goobta ku haynaa noocyo kala duwan oo agab ah oo aan hubino baabuurta iyo dadka, sawiro sida ay u dhacayaan una raadiyaan dambiilaha ama dambiilayaasha, ayay tidhi Helan Boström Thomas.

Laga bilaabo 9:30 p.m Caawa, weli lama qaban tuhmane,Toogashada caawa ayaa noqonaysa tii 63-aad ee sanadkan lagu dilo dalka Sweden.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More