Nin baxsad ahaa oo carruurta dhiigga ka dhuqi jirey oo lagu diley Kenya

Dad careysan oo ku nool Galbeedka Kenya ayaa weeraray oo dilay nin ka baxsaday xabsi ku yaal magaalada Nairobi uuna qirtey inuu diley tobaneeyo carruur ah kadib markii uu dhiigga ka dhuuqay.

Masten Wanjala, oo 20 sano jir ahaa ayaa lagu arkay isagoo ku dhuumaalaysanaya guri ku yaal magaalada Bungoma, halkaa oo ay ku dileen.

Waxaa la sheegay inuu ku laabtay gurigii waalidkiis – oo isaga dafiray – kadibna waxaa ceejiyay deriskiisa oo ogaaday inuu halkaas joogo, sida goobjooge u sheegay wargeyska Standard ee Kenya.

Wuxuu isku dayay inuu ka hortago dadka deegaanka ee laga shakiyay isagoo u guuray guri u dhow, sida uu wargayska u sheegay taliyaha bilayska Bungoma.

Waxaa loo malaynayaa in qoyskiisu aqoonsadeen meydka, inkasta oo afhayeenka Booliska uu sheegay inay wali wadaan xaqiijin.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More