NISA oo abaalmarin gudoonsiisay muwaadin soo sheegay mooto qaraxyo u siday Shabaab

Jun. 13 (Jowhar.com)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa guddoonsiiyey lacag dhan 20 kun oo dollar muwaadin Soomaaliyeed oo soo sheegay mooto Bajaaj siday qarax ay kooxda Shabaab doonayeen in ay ku dhibaateeyaan shacabka Sooamaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in tallaabadani ay ku timid wadashaqeynta iyo kalsoonida ay bulshada Soomaaliyeed ku qabaan hay’adaha ammaanka, isagoo ku ammaanay muwaadinkaas dhiiranaanta iyo wadaniyadda uu muujiyey ee uu ku badbaadiyey nafta iyo maalka shacabka Soomaaliyeed.

Taliyaha NISA Mahad Maxamed Salaad oo wadajir ay ra’iisul wasaaraha lacagta isula gudoonsiiyeen muwaadinkaasi ayaa shacabka ka dalbaday iney hay’adaha amaanka lasoo wadaan khataraha dhinaca amniga ee ay dareemaan, si looga hortago.

Si kastaba, Ninkan abaalmarinta lasiiyay NISA u dusiyay xogta Bajaajtii qaraxyada waday ee lagu qabtay aagga beerta nabada, iyadoo qaraxyadaasi la sheegay in lala dmaacsanaa muwaadiniintii usoo nasiino doonatay beertaasi oo ku taala aagga madaxtooyada qaranka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More