Nooc cusub oo Coronaha ah oo gaaray dalka Faransiiska

Wararka ka imanaya dalka Faransiiska ayaa sheegaya in kiiskii ugu horeeyay ee ah noca cusub ee cudursidaha coronavirus laga diiwaangeliyay dalkaas.

Wasaaradda caafimaadka Faransiiska ayaa xaqiijisay in nin Faransiis ah oo dhawaan kasoo laabtay magaalada London laga helay fayraska cusub.

Ninkan oo ku sugan magaalada Tour ayaa London ka tagay 19-ki bishaan, waxana hadda uu isku karantiilay gurigiisa. Sida ay sheegtay wasaaradda caafimadka, xaaladda ninkaan ayaa hadda wanaagsan.

Nuucaan cusub ee cudursidaha Coronavirus ayaa dhowaan laga helay dalka Ingiriiska. Wasiirka Caafimaadka Britain, Matt Hancock ayaa sheegay, in ilaa 1000 kiis oo la xiriira xanuunkani lagu arkay koofur-bari ee dalka England.

Arrintaasi waxay keentay in dalal ka badan 40 ay xuduudahooda ka xirteen safarrada ka imanaya dalka Ingiriiska.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More