Puntland oo diyaarisay Ciidamadii sugi lahaa Amniga Doorashada Golayaasha deegaanka

Waxaa soo dhammaday ololihii isu soo baxyada ururada ee ay kula hadlayeen taageerayaashooda saddexdaani dagmo ,waxaa la diyaariyay Dhammaanba agabkii kala duwanaa ee doorashada iyo codbixiyaasha ee deejooyinka kala duwan ee ay doorashadaani ka dhacayso iyadoo qabsoomida Doorashadda saacado kooban inaga xigaan.

Ufayn ,Qardho iyo Eylba waxaa Gaaray Ciidamo Gaar ah oo loogu tala galay sugidda amniga Doorashada yo ilaalinta agabka Doorashada waxaana Ciidamadaasi dagmada Eyl kula dardaarmay Guddoomiyaha Gobalka Nugaal Cawil mataan oo xusay in loo baahan yahay inay muujiyaan taxadar iyo u naxariisasho bulsho xilliga cod bixinta.

Doorashadan ayaa ka dhici doonta 54 xarumood oo ka tirsan Dagmooyinka Eyl qardho iyo Ufayn, waxaana Codayn doona dad tira ahaan Gaaraya 37,578 qof oo kala dooran doona 449 Musharax oo kala Matalaya urur siyaasadeedyada ku tarmaya doorashadan Hordhaca ah.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More