Puntland oo hanjabaad culus u jeedisay darawalo shacabka u garaacaya guryaha si ay uga barakacaan Garowej

June. 22 (Jowhar.com)-Ciidamada Ammaanka ee maamulka Puntland ayaa celiyay, baabuur si xoogan saacadihii lasoo dhaafay dadka shacabka uga saaraya magaalada Garooowe.

Sida ay muujinayaan muuqaalo la duubay, Darawalada gaadiidka ayaa dadweynaha ku garaacaya guryaha, ayagoo ku wargalinaya in ay barakacaan, taas oo ay guddiga Nabadgalyadu sheegeen in ay talaabo ka qaadayaan.

Dawladda ayaa sheegtay in aysan jirin wax talaabo ciidan ah oo dhankeeda ay sameynayso, waxaana ay ku eedeysay in kooxo abaabulan ay ka shaqeynayaan, kuwaas oo nabadda kasoo horjeeda, ama doonaya in ay abuuraan ficilo amniga lidi ku ah.

Guddiga nabad galyada gobolka Nugaal ayaa beeniyay warar xalay lagu faafiyay baraha bulshada, kuwaas oo sheegaya in laga cabsi qabo inuu dagaal mar kale ka qarxo magaalada Garowe

Ciidanka dawladda ayaa baro hubin ah dhigay duleedka magaalada, gaar ahaana inta u dhaxaysa laamiga dhinaca Boosaaso iyo magaalada, si ay dadka u celiyaan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More