Qaali Guhaad;”Ma iman karo Beledweyne Fahad Yaasiin”

Qaali Maxamuud Guhaad oo ah hooyada dhashay Ikraan Tahliil ayaa ku hanjabtay in uusan magaalada Beledweyne tegi karin Taliyihii hore NISA Fahad Yaasiin oo doonaya inuu kamid noqdo musharaxiinta u tartamaysa kuraasta golaha shacabka. iyadoo uga digtay inuu yimaado magaalada Baladweyne.

Hooyo Qaali Guhaad ayaa sheegtay in gabadheeda iyo iyadaba ay ka soo jeedaan beelaha ugu waaweyn ee dega gobolka Hiiraan.

“Magaalada Beledweyne waa Gobolka Hiiraan, waa gobolka aan aniga u dhashay, waa Gobolka Ikraan Tahliil u dhalatay, waxaa u soo socda oo xil ka qaadan raba Fahad Yaasiin, isagoo raba inuu ku gambado Xil iyo Xasaanad ku qaato oo isku qariyo, hadduu ku qarsoomayo, mana imaan karo”ayay tiri Qaali Guhaad.

Qaali Guhaad ayaa ugu baaqday shacabka magaalada Beledweyne inaysan ka dhiidhiyaan kana dagaalamaan imaanshaha Fahad Yaasiin oo ay ku eedeysay inuu yahay shaqsiga gabadhisa diley.

Sanadkii aynu ka soo gudubnay ayaa magalada Beledweyne waxaa lagu afduubtay shan ruux oo ku hayb ah Fahad Yaasiin sababo la xiriira kiiska Ikraan Tahliil hase yeeshee markii dambe ayaa la sii daayay kadib markii duqeyda dhaqanka ay dhex galeen afduubka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More