Qaar kamid ah xildhibaanada Golaha Shacabka oo maanta lagu doortay magaalada Baydhabo

Waxaa maanta lagu doortay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay kuraas ka mid ah baarlamaanka Soomaaliya.

Doorashadii ugu horeysay ee ka dhacday maanta magaalada Baydhabo oo ahaa Hop184 oo uu horay ugu fadhiyay Cali Cabdi Cusmaan, balse waxaa ku tartamay Xasan Cabdinuur Cabdi iyo Maxamed Cabdulaahi Cali, waxaase ku guuleystay Xasan Cabdinuur Cabdi oo ah Wasiirka Tamarta Dowladda Soomaaliya.

Xasan Cabdinuur Cabdi ayaa helay codod gaaraya-72 cod halka musharaxii la tartamayay ee Maxamed Cabdulaahi Cali uu heley 27 cod, waxana halawday hal cod.

Kursiga HOP085 oo uu ku fadhiyay Shariif Maxamed Cabdalla ayaa waxaa ku tartamay Shariif Maxamed Cabdalla iyo Maxamed Xuseen Mukhtaar, balse waxaa markale Kursiga ku guuleystay

Shariif Maxamed Cabdalla oo helay codad gaaraya 79 cod halka musharaxii la tartamayay Maxamed Xuseen Mukhtaar uu helay 19-cod, waxaana xumaatay 3 Cod.

Kursiga Hop-176 ayaa waxaa ku tartamay Maxamed Mursal Maxamuud Boorow iyo Cabdixakiin Mustaf Ibraahim, waxaana kursiga ku guuleystay Maxamed Mursal Maxamuud Boorow oo kursigaan hore ugu fadhiyay isagoo heay 73 cod halka musharaxii la tartamayay uu ka helay 26 cod.

Kursiga Hop-046 oo ay horay ugu fadhiday Raabaco Sheekh Nuur ayaa waxaa maanta ku tartamay Maxamed Wardheere Cabdi iyo Cabdulaahi Samow Cusmaan, balse waxaa ku guuleystay Maxamed Wardheere Cabdi.

Maxamed Aadan Maxamed ayaa ku guuleystay kursiga Tirsigiisa yahay Hop-156  isagoo helay codad gaaraya 88-cod halka musharaxii la tartamayay Maxamed Ibraahim isaaq  uu heley 10-cod 2-cod ayaa halaabay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More