Qalinjabin heer sare oo loo qabtay arday dhammaystay waxbarashada heerka koowaad ee jaamacadda SIU

Xaflad qalinjabin ah oo aad loo maamuusay ayaa loo qabtay arday gaaraysa 827 arday oo dhammaysay heerka koowaad ee waxbarashada jaamacadda SIU.

Xafladda waxaa ka soo qaybgalay madaxda dowladda Federaalka ah oo kamid yihiin Raysulwasaare ku xigeenka dalka Mahdi M. Guuleed, Wasiirka warfaafinta Cusmaan Abuukar Dubbe, ku xigeenkiisa, iyo wasiiro dowlaha wasaradda waxbarashda. Sidoo kale, waxaa xafladda ka soo qaybglay madaxda ururada bulshada rayidka iyo waliba midowga dugsiyada dalka.

Qalinjabiysaasha ayaa kala bartay takhasusyo ay ka mid yihiin dhaqaalaha, dhaqtarnimada, cilmiga beeraha, waxbarashda, ingineeriyada, gaar ahaan culuumta kumbutuurada, iyo takhasusyo kale.

Guddoomiyaha Jaamacadda Maxamed Yusuf Sheekh Cumar ayaa qalinjabiyaasha kula dardaarmay in ay xoogga saaraan sidii ay xirfadaha, iyo aqoonta ay barteen ugu anfci lahaayeen mujtamaca “ waan idiin ducaynaynaa in alle idanla garab galo mustaqbal fiican, sidoo kalana waxaan idinku dhiirigalinayaa in aad shaqo abuur samaysaan si naftiina iyo mujtamacumo uga faa’iidaan”

Dhinaca kale Raysulwsaare ku xigeenka dalka Mahdi M. Guuleed ayaa hanbalyo diirran u diray qalijabiyaasha “Waxa aan farxadda iyo raynraybtaba la qeybsanayaa ardayda ka qalin jabisay Jaamacadda SIU, anniga oo u rejaynaya mustaqbal ifaya iyo guulo midho dhal ah, sida oo kale waxa aan u hambalyaynayaa waalidiinta, macalimiinta iyo ardayda.
Hambalyo!! Hambalyo!!”

Jaamacadda SIU ayaa kamid jaamacadaha xoogga saara in ardayda laga dhiso dhinaca xirfadaha, iyo aqoonta si nolasha shaqada qayb ugu noqdaan, wax soo saarna u sameeyaan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More