Qarax ay dad rayid ah ku dhinteen oo ka dhacay duleedka magaalada Balcad

Wararka ka imanaya magaalada Balcad ee gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in ay ugu yaraan shan ruux oo mid ka mid ah ay ahayd dumar ay ku dhinteen kadib markii Mooto Bajaaj ay saarnaayeen ay miino la qaraxday.

Mootadan oo ka tagtay magaalada Balcad duhurnimadii maanta ayaa ku sii jeeday deegaanka Garasweyne waxaana ay miinada kula qaraxday meel dhinaca Galbeed u jirta siddeed kiilomitir magaalada Balcad. Dadka ku dhintey qaraxan ayaa labo ka mid ah waxa ay ahaayeen walaalo.

Wadada miinadan ay kula qaraxday ayaa waxaa maalin walba mara gaadiid faro badan oo isaga kala goosha magaalada Muqdisho iyo gobolada dhexe ee dalka.

Deegaanka ay mootadan miinadu kula qaraxday ayaa waxaa hore ugu sugnaa maleeshiyaad ka tirsan Alshabaab,hase yeeshee waxaa ciidamada milatariga Soomaaliya iyo Ciidamada AMISOM ay saaka howlgalo ka sameeyeen inta u dhexeysa degmooyinka Balcad iyo Afgooye oo ay hore saldhigyo ugu lahaayeen dagaalamayaasha Alshabaab.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More