Qarax xooggan oo ka dhacay bartmaha magaalada Beledweyn

Sep 23 (Jowhar.com)- Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in qarax xooggan goordhow uu ka dhacay bartamaha magaalada Beledweyn, kaasoo dhaliyay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa oo loo adeegsaday gaari weyn oo nooca xamuulka ah lagu beegsaday Goob Maqaaxi oo Ganacsiya kala duwan Ay ku yaalaan , taasoo ku taala Xaafada Horseed oo ka mida magaalada.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in goobta qaraxa uu kudhow yahay Kontorool gaadiidka lagu hubiyo oo kala qeybiya Xaawo Taako iyo Kooshin, waxaana la arkayay qiic cirka isku shareeray marka qaraxa uu dhacay kadib.

Ma cadda bartilmaameeda qaraxan, waxaana xaaladdu ay tahay weli mid aad u kacsan, sida ay soo sheegayaan dadka deegaanka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More