Qaraxyo Mataano ah oo ruxay caasimada Ciraq ee Baqdad

Inkabadan soddon ruux ayaa ku geeriyootay boqol kalana waa ay ku dhaawacmeen labo qarax oo mataano ah oo ka dhacay gudaha magaalada Baqdad ee dalka Ciraaq.

Qaraxyadan ayaa ahaa kii ugu qasaaraha badnaa ee muddo saddex sano ah ka dhaca gudaha magaalada Baqdad iyadoo qaraxyadan lala beegsaday suuq dad badan ay u sugnaayeen.

Labadan qarax oo ka dhashay labo ruux oo isku soo xirey waxyaalaha qarxa ayaa kii koowaad waxa uu qofkii is miidaamiyaha ahaa iska dhigey qof xanunsanaya dad badan ayaa ku soo xoomay si ay u caawiyaan hase yeeshee dadkii ayuu isku qarxiyay.

Sida ay sheegtay Wasaarada Arrimaha Gudaha Ciraq qaraxa labaad ayaa dhacay kadib markii dad badan ay yimaadeen goobta uu qaraxu ka dhacay si ay u caawiyaan dadka waxyeeladu ka soo gaartay.

Ma jiro illaa hadda cid sheegatay qaraxyadan balse waxaa laga shakisan yahay in ururka IS uu ka dambeeyo.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More