QM, Midowga Yurub, IGAD iyo Midowga Afrika oo qoraal wadajir soo saaray

Qaramada Midoobey, Midowga Yurub, IGAD iyo Midowga Afrika ayaa qoraal wadajir ah ka soo saaray xaalada Soomaaliya, iyagoo walaac ka muujiyay.

Wada hadal qadka muuqaalka foggaan aragga ay yeesheen Xoghayaha Guud ee IGAD Dr. Workneh Gebeyehu, Madaxa Arrimaha siyaasadda, Amniga iyo Nabadgelyada Midowga Afrika Amb. Bankole Adeoye, Agaasimaha Afrika  ee Midowga Yurub Amb. Rita Laranjinha iyo Kuxigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey ee arrimaha siyaasadda iyo nabada Rosemary DiCarlo ayaa ka soo saareen war murtiyeed wada jir ah.

Waxaa ay ku celiyeen inay ixtiraam u hayaan madax bannaanida dhuleed, midnimada iyo madax bannaanida siyaasadeed ee Soomaaliya, waxaana ay uga baaqeen hoggaamiyeyaasha siyaasadda inay tanaasul ka muujiyaan arrimaha taagan iyo in aan la qaadin tallaabo dib u dhigi karta xasiloonida Soomaaliya.

Sidoo kale waxay ka digeen muddo kororsi loo sameeyo muddo xileedkii hore ee dowladda, doorasho hal dhinac ah iyo mid barbar socota.

Waxaa kaloo ay hoosta ka xariiqeen heshiiskii doorashada ee 17 September iyo is fahamkii Baydhabo ee 16 Febraayo, iyagoo ugu baaqay Madaxda inay dib u eegis ku sameeyaan ansixin ku sameeyaan heshiiskaas, iyadoo loo marayo isu tanaasul

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More