Ra’iisul Wasaaraha Ciraaq Kadhimi oo ka badabaday isku day dil

Wararka ka imanaya dalka Ciraaq ayaa sheegaya in Ra’iisul Wasaaraha waddankaas Mustafa al-Kadhimi uu ka badbaaday weerar loo adeegsaday duqeyn ay geysatay diyaarad aan duuliyaha lahayn oo lagu qaaday gurigiisa.

Weerarkan duqeynta ah ayaa la sheegay inay ku dhaawacmeen qaar ka mid ah ilaaladiisa hase yeeshee ra’iisul wasaaraha ayaan waxba soo gaarin.

Farriin uu soo dhigay bartiisa Twitterka ayuu ku baaqay in “la isdajiyo oo cidwalba la iska xakameeyo, iyadoo la eegayo danta dalka Ciraaq”.

Wararka qaar ayaa sheegaya in ra’iisul wasaare Kadhimi la geeyay isbitaal si baaritaan loogu sameeyo.

Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarka lagu qaaday goobtan ka tirsan magaalada caasamidda ah ee ay ku yaallaan dhismooyin badan oo kuwa dowladda ah iyo safaaradaha shisheeye.

Todobaadyadii la soo dhaafay, taageerayaasha kooxaha siyaasadda ee u janjeera dhanka Iiraan ayaa meel u dhaw aagga Green Zone-ka waxa ay ka dhigayeen dibadbaxyo.

Waxa ay ka mudahaaradayeen natiijooyinka doorashadii guud ee la qabtay bishii la soo dhaafay, taas oo ay sheegeen in cododka lagu shubtay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More