Ra’iisul Wasaare Hamza oo kula kulmay Jabuuti Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle

Nov. 10 (Jowhar. Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre ayaa maanta aqalka Madaxtooyada Jabuuti kula kulmay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha ayaa kulankooda waxa ay kaga wada hadleen adkeynta xiriirka iyo iskaashiga u dhaxeeya laba waddan ee walaalaha ah.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyay Madaxweynaha Jabuuti sida ay isaga iyo shacabkiisu mar walba u garab taagan yihiin dowladda Soomaaliyeed iyo shacabkeeda.

Waxa uu ra’iisul Wasaare Hamze mudadii uu booqashada ku joogay dalka Jabuuti booqday dekeda weyn ee magaalada Jabuuti iyo weliba Magaalada Carta.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, mudane Xamse Cabdi Bare ayaa maanta booqday Kuliyadda Tababarka booliiska ee Idiris Faarax Habane ee Djibouti ay ku tababarto ciidanka booliiska Soomaaliyeed.Ra’iisul Wasaare Hamza oo kula kulmay Jabuuti Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More