Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya oo la kulmay Wasiirka Arrimaha Dibbada Turkiga

May 04 (Jowhar.com)-Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka mudane Saalax Jaamac ayaa magaalada Banjul ee dalka Gambia kula kulmay Wasiirka arrimaha dibedda Turkey mudane Hakan Fidan.
Labada masuul ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo dardar gelinta iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha, ganacsiga iyo waxbarashada.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac oo ku sugan Caasimadda Gambia ee Banjul, ayaa waxaa uu kaga qeyb-galayaa Shir Madaxeedka dalalka Islaamka.

Wakiilka gaarka ah ee Soomaaliya u qaabilsan Geeska Afrika, Badda cas iyo Gacanka Cadmeed Danjire Yuusuf Garaad Cumar Axmed ayaa sheegay in Ra’iisal Wasaare ku xigeenka XFS, mudane Saalax Axmed Jaamac oo wakiil ka ah Madaxweyne Xasan Sheekh uu ka qeyb-galayo Shir madaxeedka dalalka Islaamka oo ka dhacaya magaalada Banjul.

Shir-madaxeedkan ayaa looga hadli doonaa arrimaha siyaasadda ee saamaynta ku leh dunida islaamka, si gaar ah arrinta Falastiin.

Hoggaamiyeyaasha wadamada xubnaha ka ah Ururka Iskaashiga Islaamka, waxay mudnaanta siin doonaan arrimaha dhaqaalaha, bani’aadannimada, bulshada iyo dhaqanka, si gaar ah arrimaha ku qotoma dhalinyarada, haweenka, qoyska, culuumta,

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More