Ra’iisul Wasaare Rooble oo 48 saacadood u qabtay Taliyaha NISA inuu ka keeno warbixin dhamaystiran Kiiska Ikraan

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka hadlay geerida Ikraan Tahliil ayaa sheegay in warka ay ka soo saareen kiiska Ikraan Tahliil Hay’ada Nabadsugida mid aan dhamaystirnayn oo aan lagu qanci kara oo aan wadan cadeymo ku filan laguna qanci karo.

Maxamed Xuseen Rooble Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa xusay inu la socday kiiska Ikraan tan iyo intii ay soo bilaabatay arrinta ikraam si dhow ayaan ula socday uuna faray hoggaanka NISA inay keenaan xog dhamaystirin,isagoo ku tilmaamay nasiib darro warbixinta ay keentay hay’adda NISA.

“Waxaan u cadeynayaa qoyska Ikraan iyo shacabka Soomaaliyeed in xukuumada ay ka go’an tahay in Ikraan iyo qoyskeeda ay helaan caddaalad,”ayuu yiri Rooble.
Ra’isul Wasaaraha ayaa ku amray taliyaha nabadsugida inuu muddo 48 saacadood gudahood ah inuu u soo gudbiyo warbixin dhamaystiran oo ku saabsan kiiska Ikraan Tahliil Faarax.

Waxana uu xusay ra’isul wasaaraha in uu go’aan ka gaari doono marka uu helo warbixin dhamaystiran ku haboon lana wadaagi doono dhamaan shacabka soomaliyeed .
Ugu dambeyntii ra’iisul wasaaraha ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed degenaan ayna ka fogaadaan in lagu xadgudbo dadka aan waxba galabsan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More