Ra’iisul Wasaare Rooble oo amray in la hakiyo qabashada doorashada kuraasta Banaadiriga

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa faray Guddiga SEIT ee Banaadiriga ah inay hakiyaan qabashada doorashada kuraasta Banaadiriga, isagoo sheegay in uu magacaabayo guddi ka kooban FEIT iyo Xafiiskiisa si loo xaliyo cabashada, ayna baaraan warbixina ku soo celiyaan sida ugu dhaqsiyaha badan.
Qoraal uu soo dhigey bartiisa Facebook ra’iisul Wasaare Rooble ayaa waxaa uu ku sheegay inay soo gaartay cabasho la xiriirta kuraasta beelaha banaadiriga.

“Waxaa cabasho iga soo gaartay qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka ee Beelaha Banaadiriga, taas oo ku aaddan guddiga odayaasha iyo bulshada rayidka ah ee soo xulaya ergooyinka dooranaya kuraasta Golaha Shacabka ee Banaadiriga.”

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa sheegay inuu magacaabayo guddi si loo xaliyo khilaafka ka jira kuraasta beelaha banaadiriga uuna faray guddiga SEIT ee banaadiriga inay hakiyaan qabashada doorashada kuraasta.

“Si loo xalliyo cabashadaas, waxaan magacaabayaa guddi ka kooban xubno ka mid ah Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal ee (FEIT) iyo Xafiiskeyga, si ay arrintan u baaraan warbixinna iigu soo celiyaan sida ugu dhaqsiyaha badan.Inta cabashadan xal loo helayo, waxaan farayaa guddiga SEIT ee Banaadiriga in ay hakiyaan qabashada doorashada kuraasta Banaadiriga.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More