Ra’iisul Wasaare Rooble oo dalka dib ugu soo laabtay

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumaddd Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdigii uu hoggaaminayay ayaa dalka dib ugu soo laabtay ka dib markii ay dalka Djibouti uga qeyb galeen caleemosaarka madaxweynaha Jamhuuriyadda Djibouti mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa intii uu ku sugnaa dalka Jabuuti waxa uu kulamo doceedyo la yeeshay qaar ka mid ah madaxdii ka soo qeybgashay munaasabada caleemasaarka Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

Dib u soo laabashada Rooble ee dalka ayaa waxaa ay ku soo beegmaysaa xilli u diyaargarowga kulanka loo ballansan yahay ee 20ka May uu marayo meel xasaasi ah.

Madaxda Maamul Goboleedyada ayaa lagu wadaa in maalmaha soo socda ay gaaraan magaalada Muqdisho madaxda maamul goboleedyada si ay ugaga qeybgalaan shirka arrimaha doorashooyinka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More