Ra’iisul Wasaare Rooble oo isku bedelay Wasiirada labo Wasaaradood

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta isku bedelay Wasiirada labo Wasaaradood oo ka tirsan Xukuumaddiisa.

Is bedelka ayaa ka dambeeyay dalab ka yimid Madaxweynaha muddo xileedkisa dhammaaday Maxamed C/llaahi Farmaajo, iyadoo Ra’iisul Wasaaruhu uu tixgeliyay.

Duraan Axmed Faarax oo ahaa Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa loo wareejiyay Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada.

Sidoo kale Maxamed C/llaahi Salaad Oomaar oo ahaa Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ayaa loo bedelay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

Maxamed C/llaahi Salaad ayaa xilka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada soo hayay muddo afar sano, wuxuu xilkaas hayay illaa Xukuumaddii Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre.

Lama oga arrimaha soo dedejiyay is bedelkan Wasiirada, hase ahaatee waxaa loo badinayaa inay ka mid tahay arrimo siyaasadeed iyo danaha xilliyada doorashada.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More