Ra’iisul Wasaare Rooble oo la kulmay maanta odayaasha dhaqanka gobolada Waqooyi

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa la kulmay maanta odayaasha dhaqanka ee Gobollada Waqooyi ee laf dhabarka u ah soo xulista ergooyinka dooranaya xildhibaannada Golaha Shacabka.

Kulankan ayaa waxa uu ra’iisul wasaare Rooble kula dardaarmay duqeyda dhaqanka in ay si hufan oo isu dheellitiran u soo xulaan ergooyinka dooranaya xildhibaannada.Kulanka waxaa ka qeyb galay xubno ka socday Guddiga Maamulka Doorashada Gobollada Waqooyi.

Waxaa uu kulankan yimid xilli la xaliyay khilaaf soo kala dhex galay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Mahdi Khadar Guuleed oo dhawaan loo doortay xildhibaan golaha shacabka iyo guddoomiyaha Aqalka Sare oo marlabaad Senatarnimo loo doortay Cabdi Xaashi Cabdulaahi.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More