Ra’iisul Wasaare Rooble oo la kulmay Safiirka Turkiga Yilmez

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay safiirka dowladda Turkiga ee dalka Soomaaliya Mahmet Yilmez.

Kulankan ayaa loogaga wadahadlay arrimo ay ka mid yihiin xoojinta iskaashiga & xiriirka labada dal iyo Arrimaha Doorashooyinka dalka.

Dowlada Turkiga ayaa ka mid ah wadamada ugu horeeya ee dowlada Soomaaliya ay xiriir wanaagsan iyo iskaashi la leedahay.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa bilaabay sidii uu garab uga heli lahaa dalalka caalamka si uu ugu guuleysto qabashada doorashada dalka Soomaaliya oo uu haatan hoggaankeeda uu hayo.

Dhawaan ayaa Wakiilo ka socday beesha caalamka uu kula kulmay ra’iisul wasaaraha tendhada Afisiyone waxayna u ballanqaadeen inay ka caawinayaan ra’iisul wasaaraha dhinac walba sidii dalkan ay uga qabsoomi lahayd doorasho loo dhan yahay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More