Ra’iisul Wasaare Rooble oo la kulmay taliyaasha ciidamada baaqna u direy beelaha ku dagaalamay Hiiraan

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la qaatay taliyaasha ciidamada oo ay kamid yihiin Agaasimaha KMG ee NISA Sarreeye Guud Bashiir Goobe, Taliyeyaasha Booliska iyo Nabadsugida Gobolka Banaadir iyo Guddoomiyeyayaasha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa faray Xeer Ilaalinta iyo maxkamadda Ciidammada Qalabka sida in ay baaritaan rasmi ah oo deg deg ah ku sameeyaan kiiska Ikraan Tahaliil Faarax.

Ra’iisul Wasaaruhu waxaa uu faray Agaasimaha cusub ee hay’adda NISA iyo taliyeyaasha nabad sugidda iyo booliska gobolka Banaadir inay maxkamadda gacan buuxda ku siiyaan gudashada waajibkeeda, maadaama ay horay u jireen caqabado ay ka cawdeen guddigii horay loogu saaray kiiska Ikraan.

Dhinaca kale Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa baaq nabadeed u diray beelaha walaalaha ah ee ku dagaallamaya deegaannada Deefow iyo Kabxanley ee gobolka Hiiraan.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku boorriyay madaxda dowlad-goboleedka Hirshabeelle, nabad doonnada iyo waxgaradka gobolka in ay kaalin ka qaataan joojinta iyo xal u helista colaaddaas.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More