Ra’iisul Wasaare Rooble oo magacaabay Guddi Aas Qaran

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay guddi ka shaqeeya aaska Qaran ee loo sameynayo Allaha u naxariistee Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Marxuum Cali Mahdi Maxamed oo ku geeriyooday dalka Kenya.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa magacaabay guddigan oo ka kooban Xukuumadda , Xildhibaanno, qeybaha bulshada iyo qoyska marxuumka, waxayna kala yihiin;

Xasan Xundubeey Jimcaale, Guddoomiye
Cismaan Abokar Dubbe, Guddoomiye ku-xigeen
Cumar Maxamuud Maxamed (Filish), Xubin
Janaraal Mukhtaar Xuseen Afrax, Xubin
Xasan Xuseen Xaaji, Xubin
Eng. Cabdullaahi Abuuakar Xaaji (Carab), Xubin
Durraan Axmed Faarax, Xubin
Cumar Cali Rooble, Xubin
Xil. Cabdullaahi Maxamed Nuur, Xubin
Xil. Maxamed Axmed Abtitoon, Xubin
Cabdulqaadir Xaaji Xasan (Gureey), Xubin

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa faray guddigan in ay si degdeg ah u guda galaan aaska Madaxweynihii hore Cali Mahdi

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More