Ra’iisul wasaare Xamsa oo fariin u diray shaqaalaha Soomaaliyeed

May 01 (Jowhar.com)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa hambalyo ku aaddan maalinta Shaqaalaha Adduunka u diray dhammaan shaqaalaha Soomaaliyeed iyo qoysaskooda.

Ra’iisul Wasaaraha oo ku bogaadiyey Shaqaalaha Soomaaliyeed maskaxda iyo muruqa ay geliyeen horumarinta dalkeenna, ayaa xusay doorkooda muhiimka ah ee ku aaddan sidii dalkeennu uga soo kaban lahaa dib-u-dhicii gaaray.

“Shaqaalaha Soomaaliyeed oo ku shaqeeya duruufo adag, waxa ay muujiyeen hawlkarnimo iyo dhabar adayg, iyaga oo ka soo gudbay caqabado badan, si ay u xaqiijiyaan rajada iyo yididiilada shacabka Soomaaliyeed ee ku aaddan dib u soo kabashada dalka”.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa tilmaamay in Xukuumadda DanQaran ay xoogga saartay Ilaalinta xuquuqda iyo badqabka shaqaalaha Soomaaliyeed, kuwa dowladda u shaqeeya iyo kuwa aan dowladda u shaqaynba, lana abuuri doono fursado shaqo oo ay ka faa’iideystaan dhallinyarada Soomaaliyeed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More