Ra’iisul Wasaare Xamsa oo la saxiixday 15 Wasiir Heshiis waxqabad

May 02 (Jowhar.com)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa la saxiixday 15 kamid ah Golaha Wasiirrada Ballanqaadka,qiimeynta Waxqabadka 4tii bilood ee la soo dhaafay iyo

Hiigsiga Waxqabadka inta ka dhiman sanadkan,taas oo qeyb ka ah hannaanka casriyeynta dowladnimada, xoojinta hufnaanta iyo xisaabtanka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa faray Wasiirrada in si dhab ay uga shaqeeyaan ballanqaadka ay saxiixeen ee ku aaddan qorshaha hiigsiga 2024 ee Xukuumadda DanQaran, lagulana xisaabtami doonno wasaaradda walba mas’uuliyadda saaran.

 

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More