Ra’isul Wasaare Rooble oo gudoomiyay Shir Xog lagu soo bandhigayay

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta guddoomiyay shirka tiirka dhaqaalaha oo ay ka qeyb galeen Wasiiro katirsan Xukuumada iyo Hanti Dhowraha Qaranka.

Shirkan ayaa Xafiiska hantidhowraha guud ee Qaranku ku soo bandhigay xogta dhaqangalka mashaariicda horumarineed ee dalka,halka Wasaaradda qorsheyntuna soo jeedisay nidaamka keydinta mashariicda ee AIMS.

Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo shirka ka hadlay ayaa sheegay in muhiim tahay la socodka dhaqanka galka mashaariicda kala duwan ee dalka laga fulinayo si looga fogaado musuq maasuq.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More