Rasaas xooggan iyo Qaraxyo laga maqlayo caasimada Sudan ee Khartoum

Apr. 15 (Jowhar.com)- xooggan ayaa laga maqlay caasimadda Suudaan ee Khartoum kadib maalmo ay xiisad u dhaxeysay ciidamada iyo koox dabley ah oo awood badan ay ka taagneyd caasimada.

Goob joogayaal ayaa sheegay in iska horimaadyo iyo qaraxyo waaweyn iyo rasaas ay ka dhaceen meel u dhow saldhig ay ciidamada gurmadka degdega ah ku leeyihiin koonfurta Khartoum.

Khilafka u dhexeeya ciidamada ayaa soo shaac baxay maalintii Khamiista markii ciidamadu ay sheegeen in dhaqdhaqaaqyadii ugu dambeeyay ee ay sameeyeen ciidamada Rapid Support Forces (RSF) ay ku dhaceen sharci darro.

Jimcihii iyo horraantii Sabtida, madaxda labada ciidan iyo RSF waxay ku sheegeen dhexdhexaadiyeyaasha inay diyaar u yihiin inay qaadaan tillaabooyin lagu dejinayo xaaladda.

Iska horimaad dhexmara iyaga ayaa keeni kara dagaal daba dheeraada oo ka dhaca dal ballaaran oo horey ula tacaalayay burbur dhaqaale iyo colaado qabiil.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More