Rooble oo la kulmay Kaaliyaha Xoghayaha Guud Qaramada Midoobay ee Afrika

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay kaaliyaha Xoghayaha Guud ee QM ee arrimaha Afrika Mss. Martha Ama Akyaa Pobee oo booqasho ku timid dalka.

Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee QM ee Afrika, ayaa ka wada hadlay qodobbo ay ka mid yihiin arrimaha doorashooyinka dalka, gaar ahaanna xaqiijinta qoondada haweenka 30% ee Goleyaasha BFS.

Intii uu kulanku socday waxaa sidoo kale looga wada hadlay Howlgalka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM, Mashaariicda Horumarinta ee QM ka fuliso Soomaaliya iyo xoojinta wadashaqeynta Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Hay’adaha kala duwan ee QM.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More