Rooble oo u diray Shacabka Soomaaliyeed hambalyo munaasabadda 12-ka Rabiicul Awal ee Dhalashada Nabigeenna suubban ee Muxammad

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa Shacabka Soomaaliyeed iyo guud ahaan Ummadda Islaamka ugu hambalyeeyey munaasabadda 12-ka Rabiicul Awal ee Dhalashada Nabigeenna suubban ee Muxammad  NNKH.

“Waxaan Shacabka Soomaaliyeed iyo guud ahaan Ummadda Islaamka ugu hambalyeynayaa munaasabadda  12-ka Rabiicul Awal ee Dhalashada Nabigeenna suubban ee Muxammad  NNKH. Sanadka xiga iyo sanado kale oo badan Eebbe ha nagu gaarsiiyo nabad, barwaaqo iyo horumar” ayuu yidhi Ra’iisul Wasaare mudane Maxamed Xuseen Rooble.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More