Rooble”Waa guul weyn in ay maanta soo idlaatay doorashadii Golaha Aqalka Sare ee BFS”

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa soo dhaweeyay dhamaystirka doorashada Aqalka Sare kadib markii maanta la doortay labadii kursi ee ka dhineyd kuraasta Aqalka Sare.

“Waan bogaadinayaa senatorrada maanta la doortay, madaxweynaha iyo Baarlamaanka Galmudug iyo guud ahaan dowlad-goboleedyada.”ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Rooble.

Ra’iisul wasaare Rooble ayaa xusay inuu sida ugu dhaqsiyaha badan loo bilaabo doorashada Golaha Shacabka.

“Waxaan sugnaaba waa in dowlad-goboleedyada oo dhami sida ugu dhaqsiyaha badan u bilaabaan doorashada xildhibaannada Golaha Shacabka”.

Dhawaan ayaa la filayaa in laga bilaabo dowlad goboleedyda dalka doorashada Golaha Shacabka kadib markii guddiga doorashada uu shaaciyay jadwalka kama dambeysta ah ee doorashada Golaha Shacabka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More