Rugaha Ganacsi ee saddex dowlad Goboleed oo beeniyay Qoraal Warbaahinta lagu baahiyay

Mar. 07 (Jowhar.com)-Rugaha ganacsiga ee maamul goboleedyada Galmudug, Hirshabelle, iyo Koonfur Galbeed ayaa qoraalo ay soo saareen waxa ay waxbo kama jiraan ku tilmaameen.

Warqada sumadeedu tahay RGQ/001 kuna taarikheysan 06/03/2023, taasi oo kaso baxday Shaqsiyaad sheeganaayo in ay katirsan yihiin rugaha ganacsiga dowlad goboleedyadan.

Qoraalo ay soo saareen rugaha ganacsiga saddexda dowlad goboleed waxa ay ku cadeeyeen in aysan waxba ka socon warqada lasoo saaray ee lagu baahiyay warbaahinta, waxa ayna tilmaameen shaqsiyaadkaasi in aysan xubno ka aheyn rugaha ganacsi ee ka jira maamuladooda.

Halkan ka akhriso Qoraalada kasoo baxay rugaha Ganacsi ee saddexda maamul goboleed;

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More