Ruushka oo gantaalo ku weeraray caasimada Ukraine ee Kyiv

Nov. 15 (Jowhar.com) -Ruushka ayaa weerar duqeyn ah ku qaaday caasimadda Ukraine ee Kyiv, iyadoo qaraxyo la maqlay xilli kulanka Madaxda wadamada la isku yiraahdo G20 uu ka socdo dalka Indonisia.
Labo dhismo oo la dego oo ku yaalla degmada Pechersk ayaa ka mid ah halka duqeynta lala beegsaday.
Qaraxyadan ayaa waxa ay dhacaan saacado kooban kadib markii madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy uu khudbad muuqaal ah u jeediyay hogaamiyayaasha kooxda 20-ka wadan.

Duqa magaalada Kyiv, Vitaliy Klitschko, ayaa xaqiijiyay qaraxyada ka dhacay magaalada wuxuuna ku tilmaamay “weerar”. Hogaamiyayaasha caalamka ayaa haatan ku sugan shirka wadamada G20 ee ka socda dalka Indonesia oo ay ku cambaareynayaan dagaalka ka socda dalka Ukraine.

Waa weerarkii ugu horeeyay ee noociisa ah muddo todobaad ah, kadib markii uu Ruushka uu ciidamadiisa kala baxay Kherson.

Madaxweynaha Ukraine Zelenskyy ayaa u adeegsaday shir madaxeedka in uu ku booriyo hoggaamiyeyaasha inay qaataan qorshe nabadeed ka kooban 10 qodob si dagaalka loo soo afjaro, wuxuuna diiday wax wada xaajood ah oo la mid ah heshiisyadii Kyiv iyo Moscow ee 2014-kii.

Hase yeeshee, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ruushka, Sergey Lavrov, oo ku sugan shirka, isagoo ka wakiil ah Putin, ayaa Ukraine ku eedeeyay inay dooneyso inuu dagaalku sii socdo.

Sidoo kale waxaa laga soo sheegayaa in duqeyn ay ka dhacday magaalooyinka Kharkiv iyo Lviv,waxaana lagu amray dadka ku nool magaalooyinkaas inay guryahooda joogaan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More