RW Xamse oo xilka u kala wareejiyey Wasiirka cusub ee Maaliyadda iyo Wasiirkii hore

August 10 (Jowhar.com)-Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa xilka u kala wareejiyey Wasiirka cusub ee Wasaaradda Maaliyadda Mudane Cilmi Maxamuud Nuur iyo Wasiirkii hore ee Maaliyadda Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Bayle.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa boggaadiyey shaqooyinkii uu qabtay wasiirkii hore ee Maaliyadda, gaar ahaan horumarinta dhaqaalaha iyo arrimaha dayn cafinta. isagoo u rajeeyey wasiirka xilka la wareegay in uu si daacadnimo iyo wadaniyad leh ugu adeeggo shacabka Soomaaliyeed.
Mudane Xamse ayaa tilmaamay wasiirka cusub ee wasaaradda maaliyadda in uu yahay shaqsi aqoon u leh arrimaha maaliyadda, wasaaraddiisuna ay tahay ishii ay eeganayeen hay’adaha kale ee dowladda.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More