Saadaq Joon oo loo doortay xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka

Saadaq Cumar Xasan (Saadaq John) ayaa ku guuleystay kursiga Hop248 ee Golaha Shacabka doorasho ka dhacday goor dhow magaalada Dhuusamareeb.

Janeraal Saadaq ayaa helay 81 Cod halka Cabdullahi Xersi Diirshe oo la tartamayay uu helay 17 cod, waxaana halaabay laba cod.

Kursigaan uu Maanta ku guuleystay Janeraal Saadaq Cumar Xasan ayaa waxaa horay ugu fadhiyay Maxamed Axmed Abtidoon.

Saadaq Joon ayaa hore u soo noqday taliyihii ciidamada booliska Gobolka Benaadir, balse waxaa xilka laga qaaday bishii April ee sanadkii hore kadibkii uu ka horistaagay kulan ay lahaayeen Baarlamaanka kaas oo uu sheegay in uu ahaa mid sharci darro ah oo ay xildhibananada muddo kordhin ugu sameynayaan Farmaajo.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More