Saciid Deni oo la kulmay Ra’iisul Wasaarihii hore iyo madaxweynayaashii hore ee Puntland

Madaxweynaha Puntland Saciid Deni ayaa la kulmay wafdi uu hoggaaminayay Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya iyo Madaxweynayaashi hore ee Puntland, kuwaasoo maanta Garowe u tegey inay ka qeyb qaataan dadaalada nabadeed ee lagu xalinayo dagaalkii ka dhacay Boosaaso.

Saciid Deni ayaa xalay ku baaqay in nabad lagu dhammeeyo shaqaaqadii ka dhacday Boosaaso, sidoo kalena ay ka qeyb qaataan xalintaas dhammaan waxgaradka, siyaasiyiinta iyo isimada.

Kulanka ayaa waxaa ka qeybgalay Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl, Goleyaasha Dowladda Puntland iyo Qaar ka mid ah siyaasiyiin iyo aqoonyahanka Puntland.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More