Saciid Deni oo la kulmay Wakiilka FAO ee Soomaaliya

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kula kulmay Madaxtooyada Garoowe Wakiilka Hay’adda FAO ee Soomaaliya Etienne Peterschmitt.

Saciid Deni ayaa kulankan waxa uu kala hadlay Wakiilka FAO ee Soomaaliya mashaariicda hay’adda FAO ka wado Puntland iyo sidii loo sii laba jibaari lahaa gaar ahaan mashaariicda la xiriira Beeraha iyo Xoolaha.

Kulankan ayaa waxaa mas’uuliyiintii ka qeybgashay ka mid ahaa Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimilada iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Puntland.
Hay’ada FAO ayaa ka mid ah hay’adaha qaramada midoobay ee ka howlgala dalka Soomaaliya kuwaasoo mashaariic ka fuliya dowlad goboleedka Puntland.

By Abdiaziz Golfyare
Editor in Chief

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More