Saciid Deni “Puntland waxay ku jirtaa heegan buuxa, ficilkii dhacayna waxaa uga falcelineyna…”

Madaxweynaha Puntland Saciid C/llaahi Deni oo goordhow shir jaraa’id ku qabtay Boosaaso ayaa sheegay in Puntland ku jirto heegan buuxa, kaddib weerarkii habeen hore Al-Shabaab ku qaaday xabsiga Boosaaso, oo ay ku furatay maxaabiis fara badan.

Madaxweyne Deni oo xirnaa dharka Milateriga, ayaa sheegay in weerarkii Xabsiga Boosaaso si degdeg ah looga jawaabay, oo aan lala sugin inta waagu ka baryo, waxaa uu caddeeyay in howlgalka uu socdo.

“Puntland waxay ku jirtaa Heegan buuxa, ficilka dhacayna sida ugu wanaagsan baan uga falcelinaynaa”ayuu yiri Madaxweyne Deni oo intaa ku daray in baaritaan socdo, cidii ku cadaato kuwii falkaas u sahlay ay la kulmi doonto ciqaab adag.

Waxaa uu sheegay in howlgalkan uu noqon doono kii ugu dambeeyay ee Boosaaso iyo nawaaxigeeda looga sifeeyo nabad diidka.

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in howlgalkan uu soo socon doono oo aanu noqon inuu ku ekaado intii falkaas soo qaaday, isla markaana meelaha ay ku dhuumaaleysanayaan loogu tagi doono.

Mar uu ka hadlayay guulaha laga gaaray howlgalka ayuu xusay in 80% lagu guuleystay, kuwii baxsaday qaar laga dilay, kuwana gacanta lagu haayo, meelaha ay ka soo duuleen lagu socdo.

Al-Shabaab ayaa weerar habeen barkii jimcaha ku qaaday xabsiga Boosaaso, waxaana ay sheegtay inay ku sii deysay illaa afar boqol oo maxaabiis ah.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More