Sacuudiga oo fasaxaya guud ahaan masjidka barakaysan ee Maka Al-Mukkaramah

Masjidka weyn ee barakaysan magaalada Maka, Sacuudi Carabiya, ayaa loo fasaxay dadka ku cibaadeysanaya inaysan kala fogaan oo ay garbahooda simaan tan iyo markii ugu horeysay ee uu bilowday cudurka Covid 19.

Sawirro iyo muuqaalo subaxnimadii Axadda ayaa muujinayay dadka oo dhinac u tukanaya safaf toosan oo cibaadeysanaya, markii ugu horreysay tan iyo markii masiibada COVID-19 ay dhacday sanadkii hore.

Sidoo kale dadka ayaa loo fasaxay inay booqdaan masjidka barkaysan balse kahor intaysan iman in laga talaalo.

Sida laga soo xigtay wasaaradda arrimaha gudaha, Sacuudi Carabiya waxaa la fududayn doonaa xakamaynta COVID-19 laga bilaabo Oktoobar 17 iyada oo laga jawaabayo hoos u dhac weyn oo ku dhaca caabuqyada covid 19.

Mas’uuliyiinta ayaa sidoo kale xayiraadaha ka qaaday dadka si buuxda loo tallaalay goobaha xiran, kulannada, gaadiidka, maqaayadaha iyo shineemooyinka.

Intaa waxaa sii dheer, taageerayaasha isboortiga oo si buuxda loo tallaalay ayaa laga bilaabo Axadda loo oggolaan doonaa inay ka soo qeybgalaan munaasabadaha dhammaan garoommada iyo tas-hiilaadka kale ee isboortiga, sida ay sheegtay HBS.

Bishii Agoosto ee la soo dhaafay, Sacuudi Carabiya waxay ku dhawaaqday inay bilaabi doonto qaabilaadda ajaanibta la tallaalay ee doonaysa inay Cumrada samayso.

Sacuudi Carabiya ayaa soo sheegtay in ka badan 547,000 xaaladood oo ah coronavirus iyo 8,760 dhimasho.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More