Saddex Falastiiniyiin ah oo lagu dilay dalka Mareykanka

Nov 27 (Jowhar.com)-Urur u dooda xuquuqda Muslimiinta Mareykanka ayaa abaal-marin lacageed oo dhan $10,000 ku bixinaya ciddii keenta xog ku saabsan nin toogasho la beegsaday saddex arday oo Falastiiniyiin ah.

Golaha Xiriirka Mareykanka iyo Islaamka ee CAIR ayaa sidoo kale ku boorriyay mas’uuliyiinta inay baaraan “ujeedda” ka dambeysay toogashada, iyagoo tixraacaya “kor u kac aan horay loo arag oo nacaybka iyo rabshadaha ka dhanka ah Muslimiinta si gaar ah Falastiiniyiinta”.

Hisham Awartani, Tahseen Ahmed iyo Kinnan Abdalhamid ayaa nin ku toogtay meel u dhow Jaamacadda Vermont Campus xilli ay u socdeen casho, sida ay sheegeen booliiska Burlington.

Taliyaha booliiska Burlington Jon Mura ayaa sheegay in laba ka mid ah dhibanayaasha ay xaaladdoodu wanaagsan tahay; Midka saddexaadna waxaa soo gaaray dhaawacyo aad daran.

Booliska ayaa baadigoobaya hadda ninka weerarka lagu tuhmayo.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More