Sarkaal Shabaab u qaabilsanaa weerarada madaafiicda oo gacanta lagu soo dhigay

June. 27 (Jowhar.com)-Taliska qeybta guud ee booliska gobolka Banaadir ayaa soo bandhigay shaqsi ay sheegeen inuu hoggaamiye u ahaa koox Shabaab ah oo maalin kahor madaafiic ku garaacday garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Ninka booliska ay soo bandhigeen oo magaciisa ku sheegay Xuseen Cali Deerow Buule waxaa haatan ku socota baaris, iyadoo la horgeyn doono hay’adaha garsoorka ee ku shaqada leh.

“Howlgal degdeg ah oo ay fuliyeen Ciidammada sugida amniga Caasimadda ayaa waxa ay gacanta ku soo dhigeen dhagarqabe hogaaminayay maleeshiyaadka weerarka soo qaaday, waxa uuna magaciisa ku sheegay Xuseen Cali Deerow Buule baaris kadibna waxaa la horgeyndoonaa Maxkamada Awooda u leh” ayaa lagu yiri warka booliska Muqdisho.

Intii howlgalada ay wadeen laamaha amaanka waxaa sidoo kale gacanta lagu soo dhigay gantaalo kooxdaasi Shabaabka ah u rakibnaa kuwaasoo wali aaney qarxin, waxaana meel banaanka ku bur-buriyay booliska.

“Sidookale, ciidamadu waxay ka hortageen gantaalo rakiban oo aan wali la ridin, waxaana qantaaladii lagu burburiyay goobta halka baaris ay ku socoto dhagarqabihii la soo qabtay” ayaa lagu soo xiray warka talidka boolisma gobolka Banaadir.

Si kastaba, madaafiicda lagu garaacay garoonka Aadan Cadde iyo xerada Xalane lama soo sheegin wax khasaare ah oo ka dhashay, walow qal qal amni ay abuureen.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More